30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

UPDATE: Xoogaga Ahlu-Sunna oo la wareegay Saldhiga booliska Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa si ku meel gaar ah ula wareegay Saldhiga Booliska ee Degmada Dhuusamareeb, ka dib xiisaddii xalay ku soo korortay Xarunta Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa xalay gacan ku haynta Saldhiga Dhuusamareeb dib ugala wareegay Ciidamadii Booliska Galmudug, oo markii horeba ay iyagu ku wareejiyeen.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa isla xalay dib ula wareegay Xarunta Degmada Dhuusamareeb, iyadoo ciidamo yar oo kuwa Galmudug oo ku sugnaa ay ku amrayn in ay isaga soo baxaan.

Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa fiidnimadii xalay rasaas ku furay Xero Inji, oo ka mid ah meelaha uu magaalada ka degan yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Tani ayaa sababtay in Magaalada Dhuusamareeb laga dareemo xaalad kacsanaan ah, iyadoo tallaabada lagu rasaaseeyay Xero Inji ay ka caroodeen Madaxda Ahlu Sunna iyo kuwo Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Xiisadan ayaa sidoo kale keentay in albaabada loo laabo xarumaha ganacsiga ee magaalada ku yaala, waxaana aad u yaraaday dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shacabka reer Dhuusamareeb ayaa ka baqdin qaba in magaalada uu ka qarxo dagaal u dhaxeeya Xoogaga Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo Ciidamada Dowladda, inkastoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in xiisadda lagu qaboojiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...