27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

Qaabka Guud ee Rukhsadaha Isgaarsiinta & Teknolojiyada Dalka oo la soo bandhigay

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay Qaabka Guud ee Bixinta Rukhsadaha Isgaarsiinta Dalka (Unified Licensing Framework – ULF), kaas oo lagu nidaaminayo rukhsadaha isgaarsiinta dalka, iyadoo shirkaas ay ka soo qeyb galeen shirkadaha isgaarsiinta, teknolojiyada, warbaahinta, iyo wasaaradaha dawladda ee ay khuseyso.

Nidaamkan cusub ee ULF ayaa u oggolaanaya shirkadaha isgaarsiinta in ay bixin karaan adeegyo kala duwan iyagoo isticmaalaya rukhsad aan ku xirneyn teknolojiyad si loo dhiirri-geliyo hal-abuurka, dadweynahana loogu fududeeyo inay shirkadaha ku kala xulan karaan hadba teknolojiyada ay xiiseynayaan. Ka sokow noocyada loo kala qeybiyay, hannaanka cusub wuxuu shirkadaha ku waajibinayaa shuruudaha looga baahan yahay marka ay adeegga bixinayaan si loo ilaaliyo xuquuqda macaamiisha iyo tan dawladda.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, oo ka hadlayay furitaanka kulankan wada-tashiga ah ayaa sheegay in nidaamkan la soo diyaarinayay 12kii bilood oo la soo dhaafay, iyadoo feker iyo waayo-aragnimo laga soo qaatay dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Aasiya. “Maadaama aan wax cusub sameyneyno, waxaan ka billaabeynaa meesha uu adduunka maanta marayo, sidaasi darteed nidaamkan waa mid tixgelinaya duruufaha dalka, isla markaana la jaan-qaadaya heerka uu marayo adduunka,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Ka-soo-qeybgalayaasha ayaa aad u soo dhoweeyay nidaamkan cusub, iyagoo sheegay in maadaama aysan jirin nidaam cad oo dhinaca rukhsadaha ah inay abuurtay fowdo dhinaca suuqa oo caqabad ku noqotay in maalgelin dheeri ah lagu sameeyo.

Dalkeenu ma lahayn nidaam rasmi ah oo rukhsadaha isgaarsiinta iyo mowjadaha lagu bixiyo tan iyo 1991-kii markii ay shaqada joojiyeen shirkaddii isgaarsiinta, idaacaddii iyo telefishinkii ay dawladdu maamuleysay, kuwaasoo aysan cidina la wadaageynin mowjadaha. Nidaamka maanta la soo bandhigay ayaa ka mid ah tallaabooyin kala duwan oo ay Xukuumaddu ku dooneyso in lagu nidaamiyo dhaqaalaha dalka, iyadoo taasina qeyb tahay hal-beegyada ugu waaweyn ee Tubta Dhaqaalaha.

Hay’adda Isgaarsiinta oo adeegsaneysa hannaan la-tashi oo daah-furan ayaa daneeyeyaasha kala duwan u qabatay illaa 5ta December 2019 inay ka soo talo bixiyaan, iyagoo halkan ka heli kara dokomintiyada khuseeya arrintan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...