26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

Maxay tahay sababta ay Maxkamadda ICJ ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya? (Maxaa cusub)?

Muqdisho (Halqaran.com) – U yeeritaanka labada dhinac ayaa ka dambaysay markii la sheegay in Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ahaa in dib loo dhigo dhagaysiga ilaa bisha Sebtember 2020-ka.

Soomaaliya ayaa la sheegay inay codsigaasi cusub ee ka yimid Kenya ay gaashaanka ku dhufatay, ayna ku adkaysatay in dhagaysigu uu bilowdo bisha Noofembar ee soo socota 4-teeda sidii ay hore maxkamaddu u muddaysay.

Waa markii labaad ee Kenya ay codsato in dib loo dhigo dhagaysiga.

Labada dawladood ayaa la sheegay inay isku mari waayeen dib u dhigis mar labaad lagu sameeyo dhagaysiga dacwadda, taasi oo keentay inay maxkamaddu u sheegto labada dawladood inay iyadu gaadhi doonto go’aan, ayna ka doonayso labada dawladood inay aqbalaan.

Sida ay noo sheegeen ilo diblomaasiyadeed waxaa magaalada The Hague ee xarunta maxkamadda ICJ gaadhay wufuud ka kala socota labada waddan oo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, iyo Sharci-yaqaanka guud ee Kenya Kennedy Ogeto.

Wufuudda labada dhinac ayaa muddo kooban ku gaadhay The Hague kadib markii ay maxkamaddu u yeedhay, waxaana wakiillada Soomaaliya ay ka kala yimaadeen magaalada Muqdishu iyo dalkan Maraykanka.

Madaxweynayaasha labada waddan ayaa bishii hore ku kulmay magaalada New York intii uu socday kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku baaqay inay labada dawladood wada hadlaan, halka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in loo baahan yahay in maxkamadda ICJ ay go’aan garsoor ka gaarto muranka badda.

Dhagaysiga dacwaddan ayey ahayd inuu dhaco 9-13 kii bisha Sebtember ee aynu soo dhaafnay hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.

Xigasho – VOA

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...