30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

KENYA oo sheegtay inay qabatay ruux fududeeyay weerarkii Hotel Dusitd2 ee Nairobi

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay shaqsi lagu tuhmaayo inuu ahaa ruuxii fududeeyay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Dusitd2 ee ku yaallo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa ku waramaysa in Ciidamada ammaanka Magaalada Mombasa ay ka xireen Ninkan oo lagu magacaabo Fawaz Ahmed Hamdun oo 28 jir, xilli uu ku sugnaa gurigiisa.

Ninkaan waxaa soo galay tuhun ah inuu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkaasi oo illaa hadda Hay’addaha amniga dalka Kenya ay ku daba jiraan shaqsiyaadkii soo abaabulay weerarkaasi.

Fawaz ayaa waxaa ay dowladda Kenya ku sheegtay in uu ahaa madaxa qorsheynta howlgalkii Dusit D2, waxaana uu sidoo kale marti galiyay sida lagu eedeeyay Ninkii isku qarxiyay Hotelka kaas oo ka baxay Soomaaliya laguna magacaabo Mahir Riziki, sida ay dowladda Kenya hadalka u dhigtay.

Qorsheynta hawlgalkaas kaliya laguma eedeyn ee waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu Al-Shabaab u qoray Dhallinyaro badan kuna biiriyay.

Weerarkii Dusit D2 waxaa ay dowladda Kenya sheegtay in ay ku geeriyoodeen 21 qof oo ay ku jireen dad Reer Galbeed ah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...