30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

WAR CUSUB: Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo lagu wado in ay is arkaan, waa halkee?

Bixid, Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta /Sawir Hore/Keydka Halqaran.com

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxaa toddobaadka soo socdo la fillayaa in ay isu arkaan Magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Labada Madaxweyne ayaa waxay casuumaad ka helayn dhigooda Ruushka, Vladimir Putin, waxaana lagu wadaa in Magaalada Sochi kaga qaybgalaan shirka 1aad, ee ay yeelanayan Madaxweyneyaasha Ruushka iyo kuwa Afrika.

Xukuumadda Moscow ayaa waxay shirkan ku soo casuumtay in ka badan konton hoggaamiyeyaal reer Afrika ah.

Shirka ay yeelanayan Madaxda Afrika iyo Madaweynaha Ruushka ayaa saddex iyo labaatanka bishan ka furmaya Magaalada Sochi, iyadoo uuna socon doono muddo laba maalmood.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa toddobaadka soo socdo lagu wadaa in ay ka amba baxaan Magaalada Muqdisho, iyagoo kaga sii gudbaya Magaalada Sochi oo dalxiiska caan ku ah.

Inta shirka uu ka socdo Magaalada Sochi ayay Madaxda galaangal u yeelan doontaa kulamo ay si gaar gaar ah isugu arkayan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay markale fursad u heli doonaan in ay kulmaan, balse ma cadda, cidda markaan kulan siin doonta.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi oo ka qaybgalaya shirka Sochi ayaa ahaa midkii labada dhinac suurta-geliyay inay kulmaan bishii hore ee September, kaasi oo ka dhacay Magaalada New York ee cariga Mareykanka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay xiriirka Madaxda Soomaliya iyo Kenya ayaa ahaa mid aan wanaagsanayn, kadib markii habdhaqanka guracan ee Kenya uu ka careysiiyay Madaxda Qaranka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...