30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

DHAGEYSO + XASAASI: Maxaa la isku afgartay kulankii maanta dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo Danjire James Swan?

Danjire James Swan iyo Madaxweyne Saciid Deni

Garoowe (Halqaran.com) – Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa Axaddii maanta Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Mr James Swan.

Kaddib soo dhaweynta wafdigaasi, madaxweynaha iyo Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Mr James Swan ayaa waxaa ay wada qaateen kulan xasaasi ah oo looga hadlay Arrimo dhowr ah.

Intaasi kaddib Madaxweynaha Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka wada hadleen Arrimaha Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Amniga, isla markaana ay uga mahad celiyeen howlaha Hay’adaha UN-ka ay ka wadaan gudaha Puntland.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay ka wada sheekeysteen horumarka siyaasadeed ee dalka kajira, isla markaana ay iska qireen in xilligaan dalka uu u baahan yahay in wadahadal wax walba lagu dhameeyo.

Wuxuu kaloo xusay, in ay ka wada hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, isla markaana Puntland ay kaalinteeda ka qaadato.

Si kastaba, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swam ayaa dhankiisa sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ugu baaqay in ay soo celiyaan wada-shaqeyntii dhexdooda, isla markaasna la xalliyo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Halka Hoose ka dhageyso Codka Madaxweyne Saciid Deni:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...