30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

DAAWO SAWIRRO: Ogow Ujeedka Xisbiyada Siyaasadeed oo ay ugu dhawaaqeen madal ay ku mideysan yihiin!

Muqdisho (Halqaran.com) – Xisbiyada kmg siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa waxay Tallaadadii maanta Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen madal siyaasadeed oo ay sheegeen in ay ku mideysan yihiin.

Xisbiyada siyaasadda oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayay kaga dhawaaqeen madashan oo loogu magac-daray (Mashada Xisbiyada Qaran).

Madashan oo ay ku mideysan yihiin illaa toban xisbi ayaa waxaa Afhayeenka Kmg ee Madasha Xisbiyada Qaran loogu doortay Ex Xildhibaan Cabduladiif Muuse Sanyare.

Xisbiyada madashan ku bahoobay ayaa waxaa ka mid ah xisbiyada UPD, Himilo Qaran, Wadajir, Ilays, Horusocod, NDP iyo MBDA, waxaana goobta madashaan looga dhawaaqay ka sugnaa Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Isbahaysiga ay iclaamiyeen xisbiyada kmg ee dalka ka dhisan ayaa waxay kaga sii dari kartaa mowjadaha siyaasadeed ee dalka, oo bilow u ah arrimaha doorashooyinka dalka ee sanadka soo socda.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ku baaqay in shir la isugu yimaado, ka dib markii 22-kii bishii September ay dowladdu xanibtay diyaarad uu la socday Shariif Sheekh Axmed oo ku sii jeeday Magaalada Kismaayo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu muujiyay in ay ka walaacsan yihiin habdhaqanka Dowladda Federaalka Somaliya, isla-markaana ay dalka dib ugu celinayso xilligii adkaa ee laga soo gudbay.

Xafiiiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...