26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

ARAG SAWIRRADA: Siyaasiyiinta Kismaayo ku sugan oo Kulan Xasaasi ah la yeeshay Axmed Madoobe!

Siyaasiyiinta Kismaayo ku sugan oo maanta Axmed Madoobe la kulmay.

Kismaayo (Halqaran.com) – Siyaasiyiinta Magaalada Kismaayo kaga qaybgalay xafladdii caleemo saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Isniintii maanta magaaladaasi kula kulmay Hoggaamiyaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo horey siyaasiyiintaasi ugu soo casuumay in ay ka soo qaybgalaan xafladiisa caleemo saarka ayaa maanta markale ku casuumay in ay yimaadaan duleedka Magaalada Kismaayo.

Martiqaadkii maanta ayaa ahaa mid ay ku damaashadayeen siyaasiyiintaasi, loogamana hadlin wax siyaasad ah.

Dhinacyada lagu martiqaaday duleedka Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliya, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Shariif Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne-yaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhinacyadaasi kaga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay kaga soo jawaabeen martiqaadkii uu u sameeyay, ee ahaa in ay ka soo qaybgalaan caleemo saarkiisa.

Axmed Madoobe oo xaalka uu ku xumaa ayay dhinacyadaan oo saluugsan siyaasadda Villa Somaliya ay is garab taaggeen, waxayna u muuqdaan kuwo ay mideysay khilaafka Jubbaland iyo dowladda.

Ugu dambeyn, Villa Soomaaliya ayaa horey u diiday in ay aqoonsato tallaabada marka labaad lagu soo doortay Axmed Madoobe, waxayna taasi bedelkeeda soo jeeday in doorasho ku celis ah la qabto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...