
Muqdisho (Halqaran.com) – Mid ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa eedeyn kulul kula dul-dhacay xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka.
Xildhibaan Cabdi-shakuur Cali Mire oo ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxba u reeban Xisbiyadda Siyaasadeed ee dhisan dalka.
Xildhibaankan oo taageero u ah Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in waxa loogu yeero xisbiyada siyaasadda oo hore u taageeray doorashadii Jubbaland ay hadda cambaareynayaan qodobadii kasoo baxay shirkii dib u heshiisiinta Galmudug.
”Waxa uu sheegay siyaasiyiinta ay yihiin kuwa mowqifyadooda is burinayaan oo laba wejiilayaal ah, waxa loogu yeero xisbiyada siyaasadda ee hore u taageeray nidaamka doorashadii sharci darrada ahaa ee Jubbaland ayaa hadda cambaareynaa natiijadii kasoo baxday shirkii dib u heshiisiinta Galmudug. Mowqifyada iska horjeeda iyo siyaasadda laba wejiilenimada waxay caddeyn u tahay inay danaystayaal yihiin”, ayuu yiri xildhibaan Cabdi-Shakuur Cali Mire.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- DAAWO MUUQAAL: Xaaf: ”Haddii aad madaxweyne doorataan yaan lugaha la qaban sidii anigaba lugaha lay qabtay”!
- DAAWO MUUQAAL: ”Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi haday si toos ah u go’aansatay inay hoostagto dowladda Farmaajo, shacabka ha u sheegaan”!
- ARAG SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Dad shacab ah iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay gobolka Bakool
- Maxaa ka soo baxay kulankii uu maanta Shir guddoominayay RW Kheyre oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab?
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com