30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

XOG XASAASI + DHAGEYSO: Xildhibaan kashifay qorshe sir ahaa oo BF Somaliya uu labo sano ugu darsanayo waqtigiisa!

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxda ugu sarreeyo dalka ayaa lagu eedeeyey inay wadaan qorsho culus oo ay waqti kororsi ku sameenayaan.

Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaajka Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro guuxa ku aadan inuu Baarlamaanka Soomaaliya qorsheenayo in la sameeyo waqti 2 illaa 3 sano ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi isna loo kordhin doono waqtiga weliba iyadoo aan la shaacin.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in qorshahaan uu wado Guddiga kumeel gaarka ah ee diyaarinta Sharciga doorashoyiinka ayna diyaariyeen dhowr Ajande oo ay marmarsiiyo ka dhiganayaan si loo sameeyo waqti kororsi 2-3 sano ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta loo cuskan doono muddo kordhinta ay tahay in duruufo amni ay jirto taas oo aan suuragal ka dhigi karin doorashadii la filayay inay dalka ka dhacdo,taasina ay noqoneyso meel ka dhac loo geystay Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana aysan fulin sababihii loo doortay.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Madaxda ugu sareysa Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay inay wadaan qorshahaas mudo kororsiga ah,waxaana uu ka digay in dalka Soomaaliya uu xilligaan ka dhaco dagaalo Sokeeye.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor hore sheegay inuusan waqti ku darsan doonin isla markaasna uu doorashada qaban doono waqtigeeda.

Ilaa iyo hadda lama ogo sida ay ku suurtageli karto inay Dowladda Soomaaliya waqti kordhin sameysato maadaama taas horey looga diiday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...