30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

XOG: Ogow Qarashka lagu iibiyay dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka!

Dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka

Washington (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa shaacisay dalka rasmi ahaa laga iibsaday dhismaha cusub ee ay hadda dagtay Safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka, kadib markii Madaxweyne Farmaajo xalay uu xariga ka jaray.

Dhismaha cusub ee Safaarada Soomaaliya waxaa lagu gaday qarash aad u fara badan sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Somaliya oo ka hadlaayay goobtii Xariga looga jaraayay dhismaha Safaaradaasi oo xalay uu ku sugnaa.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Belye ayaa sheegay in dhismaha Safaaradda laga bixiyay lacag dhan 4.3 Milyan oo dollarka Mareykanka ah, lacagtaasina ay tahay hanti Qaranka Somaliyeed uu leeyahay.

Dhismahan cusub waxaa laga iibiyay dowladda Columbia oo deganaan jirtay, balse hadda Somaliya ka iibsatay.

Goobta Soomaaliya ay ka gadatay Safaarada cusub waxaa ku yaallo Safaarado kale oo dowladdo shisheeye ay ku leeyihiin Magaalada Washington, waana goob Istaraatiiji ah, marka la eego sida Safaaradaha ugu badan yihiin.

Dhismihii hore ee Safaarada Somaliya ee dalka Mareykanka ayaa waxaa gaday dowlada Mareykanka, kadib markii dhismaha Safaarada uu bur buray, xilligii Somaliya dowlad la’aanta aheyd aysana jirin cid ku shaqeysa, waxaana lacagtaasi la siiyay Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...