26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo maanta Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka Puntland

Garowe (Halqaran.com) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta magaalada Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan, tababarkaan ayaa casharada la qaadanayo waxaa ka mid ah hab cusub oo ay dowladda federaalka u bixin doonto warqadda dhaawac muujinta ee Rifeertada .

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya  ayaa xusay warqadda dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha Booliiska inay saamayn wayn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo.

Md. Axmed Cali Daahir wuxuu intaasi raaciyay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu gaystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Warqadaha dhaawac-muujinta(Rifeetooyinka), iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo.

Dhanka kale, waxa uu xusay ka dib tababarkaan in uu rajaynayo in uu wax badan ka badalo aqoonta iyo Xirfadaha Garsoorayaasha, Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan ee dalka.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu xusay in dowladda federalka ee Soomaaliya ay dhammaan xarumaha Booliiska Soomaaliya gaarsiindoonto Rifeertooyin aan waxba laga badali karin, la koobiyayn karin, islamarkaana numberaysan oo lagu qoridoono xogta dhibbanaha.

Wuxuuna kula dardaarmay in looga baahanyahay Laamaha Garsoorka Puntland in ay noqdaan kuwo aamin ah,isla markaana ka madax bannaan qabyaaladda,eex iyo nin jeclaysi oo uu sheegay in ay tahay waxa dumiyay garsoorka dalka.

Xafiiska Halqaran.com, Garowe
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...