27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha, weerar ku billowday ismiidaan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidan

Marka (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Marka.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Saliini ee duleedka Marka, kadib markii Al-Shabaab qarax Ismiidaamin ah ay ku bilaabeen weerarka, islamarkaana Xerada ay ku dhufteen gaari uu kaxeynaayay qof ismiidaamiyay.

Wararka ay halayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in weerarka oo saaka aroortii hore dhacay ay Al-Shabaab ku sheegteen inay cagta mariyeen dhammaan Ciidamadii ku sugnaa Xerada, islamarkaana intii ka badbaaday ay meesha ka carareen.

Warbaahinta ku hadasha Afka maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa laga sii daayay in Ciidamadooda ay la wareegeen Xerada, islamarkaana ay qabsadeen saanad Militari oo Xerada taalay, sidoo kalena khasaare xoog leh ay ku gaarsiiyeen dagaalkaasi Ciidamadii Xerada ku sugnaay.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Inkastoo Al-Shabaab ay sheeganayaan khasaare xooggan inay gaarsiiyeen Ciidamadii dowladda ee dagaalka ay la galeen, ayaa haddana Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Shabellaha hoose waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkaasi kaga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in khasaare maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen dagaalkaasi, islamarkaana si adag ay isaga difaaceen dagaalka Al-Shabaab ay  ku soo qaadeen sida hadalka ay u dhigeen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...