26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

DEG DEG: DF Somalia oo diiday dalabka Kenya ee dib u dhigista dacwada badda (Jawaab lama filaan oo la siiyay Kenya)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Jamhuuriyadda Federaaka ah ee Soomaaliya ayaa ku gacan seertay codsiga Kenya ay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ uga dalbatay in la hakiyo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray waxa uu codsiga Kenya cudur daar uga dhigo in Kenya ay dooneyso inay qorato koox cusub oo ah qareeno difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay waqti dheeri ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday codsiga Kenya, waxaana la filayaa in berri ay warqad rasmi u dirto maxkamadda ICJ, kuna wargeliso go’aankeeda, iyo inay diyaar u tahay in kiiska uu sii socdo.

Waxayna Soomaaliya ku doodi doontaa, in haddii Kenya ay dooneyso inay qareeno cusub qoroto ay haystay in ka badan hal sanno, oo ay sidaas ku sameyso, sidaas darteedna cudur-daarkaas aan iminka la aqbali karin.

Dhageysiga dacwadda ayaa waxaa la qorsheeyey in u dhaco maalmaha Isniinta illaa jimcaha ee 9-ka illaa 13-ka bishan September.

Si kastaba, go’aanka kasta oo dib loogu dhigayo kiiska ama lagu joojinayo waa inay isku racaan labada dhinac ay maxkamadda ay quseyso, haddii ay sidaas dhici weyso, oo hal dhinac kaliya uu dalbado sida ay sameysay Kenya, waxa ago’aan ka gaari doono maxkamadda ICJ.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh:



Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...