26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

WAR CUSUB: Muuday ”Waa muhiim in laga fekero halkii laga yimid”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasiga Xasan Cabdiqaadir Muudey ayaa aragtidiisa ku biiriyay dareenka ay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka muujiyeen go’aankii ay dowladdu isu hortaagtey wafdigii Shariif Sheekh Axmed, ee Axadii ku wajahnaa Magaalada Kismaayo.

Mr. Muudey ayaa sheegay in dowladnimada dalka ay tahay mid ka wada dhaxeysa shacabka Soomaaliyeed, balse ay jiraan dad iminka u muuqda in ay soo baraarugeen, iyagoo ku tumanaya karaamadii uu dadku lahaa.

“Dowladnimada dalka waa mid ka wada dhaxeysa dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxaase jira kuwa aad isleedahay hadduuba waaga u baryay, oo aanan qiimeeynayn sharafkii iyo karaamadii la wada lahaa‘‘, Ayuu yiri Xasan Cabdiqaadir Muudey.

Waxa kaloo uu yiri “Cidna ma anfacayso in dalkeenu hoy u ahaado nidaam xumo iyo cadaalad darro, waana muhiim in laga fekero halkii laga yimid.”

Xasan Cabdiqaadir Muudey oo la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray ayaa qaba in dadku kala feker duwanaan karo, loona baahan yahay in afkaaraha la isku hayo laga wada doodo.

“Dadku way kala aragti duwanaan karaan, waana muhiim in si furan looga doodo afkaaraha kala duwan, si loo helo xal nawada anfaca.” Ayuu yiri Xasan Cabdiqaadir Muudey.

Muudey ayaa qaba si horey loogu socodsiiyo Somaliyada cusub loo baahan yahay in laga gudbo in cid gaar ahi isu haysato in ay iyada oo qura tahay dowladnimada dalka ka jirta.

“Cid gaara haddaad tahay waxay noqoneysaa arrin carqalad ku noqoneysa horumarkii ay sameeyeen dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray, wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii Dhexe. Si Somaliya horey loogu socodsiiyo waa in laga gudbaa cid gaar ah.” Ayuu yiri Muudey oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag kaga falceliyay tallaabadii ay dowladdu ku xanibtay diyaaraddii wafdiga Shariif Sheekh Axmed u qaadi laheyd Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Wafdiga Shariif Sheekh Axmed ayuu ujeedkoodu ahaa in ay magaalada Kismaayo kaga qaybgalaan caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...