30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

WAR CUSUB: Maxaa ka jira in beello lagu gacan-bixiyeeyay Shirweynaha ka socda Dhuusamareeb? & Ugaas xaqiiqda sheegay!

Dhuusamareeb  (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya, in qaar ka mid ah beelaha degga Galmudug in lagu gacan bidixiyeeyay shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, ee ka soconaya Gobolka Galgaduud.

Guddoonka Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa shalay u yeeray qaar ka mid ah beelaha, si loo xaliyo cabasho la sheegay in ay qabaan. Beelahan loo yeeray ayaa kala ahaa Saleebaan, Waceysle, Shiikhaal iyo Beesha Shanaad.

Madashii la doonayay in lagu xaliyo beelahan ayuu buuq ka dhashay, ka dib markii ay madasha soo fariisteen xubno la sheegay in ay ka yimaadeen Deegaanada Soomaalida Itoobiya, kuwaa oo ku andacoonaya qaar ka mid ah Beesha Shanaad inaanay degin Galmudug.

Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale oo ka mid ahaa saxiixe-yaasha Galmudugtii 2015 lagu soo dhisay Magaalada Cadaado ayaa beeniyay warka ka soo yeeray kooxda la sheegay in ay ka timid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Nimankan ka yimid Kilinka Shanaad ee Itoobiya waxay doodoodu tahay in beelo ay ka mid tahay Beesha Guuleed Cadde/Beesha Shanaad aanay degin Galmudug. War adeer warkaasi war soconayo maaha, war jirana maaha. Beesha Guuleed Cadde iyo beelaha kalaba waxay ka mid yihiin beelaha degga Galmudug.” Ayuu yiri Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale.

Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale oo la hadlayay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Guuleed Cadde waxay deggaan Galgaduud, Kulbeer waxay deggaan Mudug, Tumaalo iyo Carab Saalax intaba waxay ka mid yihiin beelaha degga Galmudug.”

Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale ayaa Guddoonka Shirweynaha Dhuusamareeb ugu baaqay in ay wax ka qabtaan gacan bidixeenta uu sheegay in lagu hayo qaar ka mid ah beelaha degga Galmudug.

Waxa uu intaa ku daray haddii aan arrintan wax laga qaban ay waxba kama jiraan noqon doonto waxa ka soo baxa shirweynaha dib u heshiisiinta ee beelaha Galmudug uga soconaya Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn, cabashadan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Dowladda Somaliya ay juhdi ku bixineyso, sidii ay dib u heshiisiin u dhex dhigi laheyd beelaha ballaaran ee deegaanka ku ah Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...