30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

UPDATE: Shabakad carruurta xadi jirtay kana ganacsan jiray oo lagu qabtay magaalada Muqdisho!

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen Shabakad ka ganacsan jirtay iibinta carruurta, kaddib Hawlgal ballaaran oo ay sameeyeen.

Sida ay sheegtay Taliye Ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Zakia Huseen hawlgalkaasi waxaa fuliyay Ciidamada dambi baarista Booliska oo muddo bil ah ku daba joogay kooxdaasi.

Dadka la soo qabtay ayaa waxa ay gaarayaan 11 oo eedeysane oo 8 ka mid ah ay yihiin Haween, kuwaasi oo ka ganacsan jiray iibinta carruurta.

”Ciidanka Booliska gaar ahaan Hoggaanka Dambi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata carruurta taas oo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysanayaal oo 8 ay yihiin haween.” Ayey tiri Zakia Xuseen.

Sidoo kale, ciidamada Booliska ayaa soo badbaadiyay 11 Carruur oo da,dooda u dhaxeyso 12 sano jir illaa 7 Bil jir kuwaasi oo la doonaayay in la iibsado.

“Waxeey ciidanka sidoo kale soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeysa 12 sano jir illaa 7 bil jir kuwaas oo ah beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka Booliska intii laga baadigoobaya waalidiintooda.” Ayey sii raacisay hadalkeeda Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...