27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

UPDATE: Meydka Wiil dhallinyaro ah oo la la’aa oo laga helay Xeebta Jazeera ee magaalada Muqdisho

Xeebta Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Xeebta Jazeera ee duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in subixii Axadda maanta halkaasi laga helay maydka wiil dhalinyaro ah oo shalay galab ay qaaday Badda.

Wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Naasir Cabdulaahi Shuute, ayaa badda ay la tagtay shalay galab, xilli ay wada dabaalanayeen dhalinyaro ay asxaab ahaayeen, waxaana la sheegay inay badda aad u kacsaneyd.

Illaa xalay waxaa lagu guda jiray baadigoobka maydka Marxuumka, balse saaka aroortii ayeey badda soo tuftay, waxaana lagu arkay maydkiisa halkii uu shalay badda ka galay.

Aabaha dhalay Cabdi Naasir iyo dad kale oo qaraabada ah ayaa ka soo qaaday maydka marxuumka badda, waxaana la qorsheynayaa in aas loo sameeyo.

Wiilashii ay isla socden, ayaa shalay waxa ay dhacdadan la wadaageen Saldhiga Booliska Degmada Wadajir, halkaasi oo lagu qoray magaca marxuumka si Oobiga Saldhiga loo galiyo.

Si kastaba, Cabdi Naasir Cabdulaahi oo ahaay nin dhalinyaro ayaa dadkii garanaayay waxa ay sheegeen inuusan dhib badneyn, islamarkaana uu ahaay shaqsi afgaaban, balse waqtigiisa intaasi uu ku ekaay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...