30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

TOP NEWS: Xulka Qaranka Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaaray ciyaar ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka +(SAWIRO)

SPORT (Halqaran.com) – Xulka kubadda cagta Qaranka Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray heerka koowaad ee isreeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka 2022.

Xulka Qaran Soomaaliya ayaa xalay 1-0 ugu awood sheegtay xulka dalka Zimbabwe, kulankii lugta koowaad oo dhacay dalka Jabuuti oo marti galinta wakiil ugu ahayd Soomaaliya.

Ciyaaryahanka Anwar Siciid Cali (Shakunda) ayaa xulka Soomaaliya kubbad madaxa ugu dhaliyay daqiiqadii 87-aad ee dhaammaadkii ciyaarta.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka adduunka ay guul ka gaarto, tan iyo markii la asaasay tartankan 1930-kii.

Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka ayaa u hambalyeeyey xulka qaranka, sidoo kale shacabka ayaa aad ugu hambalyeynaya guusha taariikhiga ah.

Kulan lugta labaad ayaa dalka Zimbabwe ka dhici doona 10-ka bishan September ee todobaadka dambe, waxaana Soomaaliya haddii ay soo baxdo u gudbi doontaa is araga labaad ee isreeb-reebka koobka adduunka.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaan waligeed ka qeyb galin tartanka ugu weyn kubadda cagta caalamka ee loo yaqaanno World Cup-ka (Koobka Adduunka), tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1930-kii.

Si kastaba, Koobka Adduunka 2022, ayaa waxaa marti-gelineysa horeyna ugu guuleystay dalka yar ee qaniga ah ee Qadar.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...