26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Rwanda oo hoy u noqonaysa qaxootiga Afrika iyo Soomaali ka mid noqotay

Qoyska Soomaalida ee laga keenay Liibiya iyagoo wata canuga ugu da’da yar ee la geeyay Rwanda

Kigali (Halqaran.com) – Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay ilaa 66 qof oo qaxooti Afrikaan ah oo ku xannibnaa Liibiya ayaa loo daad gureeyay magaalada Kigali ee xarunta dalka Ruwaandha.

Dejinta qaxootiga ay ka heleen Ruwaandha ayaa ka dambeysay kaddib ballanqaad uu Madaxweyne Paul Kagame sameeyey sanadii 2017, kaas oo uu ku yaboohay in uu dalkiisu hoy siinayo dadka Afrikaanka ah ee ku dhibaateysan Liibiya.

Horraantii bishan, Ruwaandha ayaa heshiis la saxiixatay Midowga Afrika iyo Hay’adda Qaxootiha QM ee UNHCR, iyada oo oggolaatay inay qaabisho qaxootiga iyo dadka magan-galyo doonka Afrikaanka ah ee ku xanniban Liibiya.

Ruwaandha ayaa sheegtay inay isu diyaarisay inay qaabisho ilaa 30,000 oo qof, inkasta oo qorshuhu yahay in markiiba dib u dejin loo sameeyo 500 oo qof.

Qofka ugu da’da yaraa qaxootiga gaaray Kigali ayaa ah gabar yar oo jirta kaliya 2 bilood oo ay dhaleen muwadiniin Soomaali ah.

Dadka la geeyay Kigali ayaa la dajin doonaa xarunta qaxootiga ee ku-meel gaarka ah ee Gashora oo ku taalla degmada Bugesera oo qiyaastii 60 KM u jirta magaalada Kigali.

Madaxweyne Kagame ayaa markii ugu horreysay yaboohay inuu qaato Afrikaanta ku xanniban Liibiya, kaddib markii warbixin uu diyaariyey taleefishinka CNN ay muujisay wax u muuqday suuq addoonsi oo halkaas ku yaalla.

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in qiyaastii 42,000 oo ah qaxooti u badan Afrikaan ay iminka ku sugan yihiin Liibiya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...