27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Kheyre oo galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb, (Ogow Ujeedkiisa)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaliya, Xasan Cali Khayre ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa casir liqii galabta waxaa Garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Galmudug, Wasiirada Dowladda Federaalka ee Dhuusamareeb ku sugan, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ay Magaalada Dhuusamareeb u taggeen, sidii ay uga qaybgeli lahaayen shirweynaha dib heshiisiinta beelaha Galmudug, oo maalinta Arbacada lagu wado in uu ka furmo Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku qulqulayay Ergooyinka beelaha Galmudug ku meteli doona shirweynaha dib u heshiisiinta ee beelaha loo qabanayo.

Shirweynaha Dhuusamareeb lagu qabanayo ayaa laba jeer dib u dhac uu ku yimid, markaanse ah waxaa la rajeynaya in si rasmi ah uu Dhuusamareeb uga furmi doono afarta bishan September.

Beelaha Galmudug ayaa waxaa shirweynahan loo qabanaya, ka hor inta aanay dhicin Doorashooyinka Madaxtooyada & Baarlamaanka Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...