30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

Muxuu RW Kheyre u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka ee uu Muqdisho kula kulmay? + Akhri Xog cusub

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay wakiillada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya, ayaa xog ka siisay socdaalkiisii Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo dhanka loo jiheynayo horumarka dalka ee dowladda Soomaaliya ay dooneyso in lagala shaqeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Shababka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayaa wakiillada warbixin ka siiyay guulaha ay dowladdu ka gaartay dib-u-habeynta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la joogo xilligii Soomaaliya lagu caawin lahaa fursadaha maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo hir-gelinta kaabayaal dhaqaalaha, si loo yareeyo baahiyaha bini’aadninimo ee waqtiga fog.

Waxa uu intaa ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ay muhiim tahay in bulshada fursad loo siiyo in ay awood u yeelato wax soo saar dhaqaale, in dhallinyaradana shaqo abuur loo sameeeyo iyo maalgelinta la gaarsiiyo deegaannada ay ku noolyihiin bulshooyinka qaba baahiyada ugu daran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo biyo yaraan ay ka jiraan deegaannada Huurshe iyo Xeraale ee dhawaan lagu guuleystay in la demiyo colaaddii sannadada soo jiitameysay, baahiya kale oo bulsho ay ka jiraan deegaannada uu socdaalka kusoo maray ee Koonfur Galbeed, ayna lagama maarmaan tahay in hay’adaha caalamiga ah ay si dhaqsa ah uga jawaabaan baahiyahaas bulsho.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in magaalada Xudur uu kusoo arkay bulsho sannaddo badan go’doonsaneed hase yeeshee la timid isku-tiirsanaan ay ku badbaadeen, ammaankoodana ku sugteen, isaga oo intaa raaciyay in ciidanka ku sugan Xudur ay u diyaarasanyihiin in ay xoreeyaan Bakool oo dhan hadii ay helaan qalabka ay u baahanyihiin.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...