Muqdisho (Halqaran.com) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) uu dhaliilay hadaladii ka soo yeeray Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Madaxweynihii Shariifka ka dambeeyay ayaa labaduba waxay si wadajira u dhaleeceeyeen dowladda, ka dib markii ay dowladdu xanibtay diyaaraddii Shariifka ee ku sii jeeday Magaalada Kismaayo.
Barraha bulshada ayaa maanta lagu arkay warar sheegaya in Duqa Muqdisho uu dhaliilay hadaladii ka soo yeeray Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray.
Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere), ayaa si adag u beeniyay in Duqa Muqdisho uu falcelin ka bixiyay shirarkii jaraa’id ee labada masuul siyaabooyinka kala duwan ugu qabteen Magaalada Muqdisho.
“Warka been abuurka ah ee sacaadihii u dambeeyay lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhaliilay Xisbiga Himilo Qaran, isla markaana uu baaq u diray Madaxweyne-yaashii hore ee dalka soo maray sida Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa kuwo muujinaya in tiro yar ay ku hawlan yihiin kala dilka iyo kala fogeynta masuuliyiinta dalka, taas oo looga gol leeyahay dano shakhsiyadeed iyo caqabadaynta horumarka.” Ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- XASAASi + DAAWO VIDEO: Xiddig iyo Seeraar oo Weerar culus ku Qaaday Sheekh Shariif iyo Xasan “Awooda aad sheegteen waxay Huwan tahay Qabiil”
- WAR DEG DEG: Rag ganacsato ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo. Yaase dilay?
- Maamulka Hirshabelle oo ka hadlay dilka Nabadoon Qaloosh loogu geystay Muqdisho
- WAR CUSUB: KENYA oo go‘aansatay in qaadkii ugu badnaa ay u soo dhoofiso Soomaaliya! (Ogow Ujeedka)!
- Cabdiweli Gaas: Soomaaliya kama dhici karto doorasho qof iyo cod ah! +(Ogow Sababta)
- WAR CUSUB: Muuday ”Waa muhiim in laga fekero halkii laga yimid”!
Afhayeenka ayaa ku goodiyay in cid kasta oo lagu helo in ay been abuur ka faafisay Maamulka Gobolka Banaadir ay la tiigsan doonaan sharciga, xilli sharuucda dalka ay ciqaab adag ka jideeyeen cid kasta oo been abuur lagu helo.
Ugu dambeyn, shacabka Soomaaliyeed ayaa ku kala qaybsamay tallaabadii ay Dowladda Federaalka wafdiga Shariifka ugu diiday in ay Magaalada Kismaayo kaga qaybgalaan caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com