29.9 C
Mogadishu
Monday, May 23, 2022

Lamaane dalka Ingiriiska ku laabtay oo iyagoo aan ogeyn uu raacay wiil qaxooti ah, (Sidee ayay ku dhacday?)

Wiil qaxooti ah oo Masar u dhashay ayaa kusoo dhuuntay gaarigooda

UK (Halqaran.com) – Lamaane u dashay waddanka Ingiriiska, oo dib uga soo laabtay safar ay ku tageen Faransiiska, ayaa aad u argagaxay markii ay arkeen wiil qaxooti ah oo kusoo dhuuntay sanduuq dusha ka saarnaa gaarigooda.

Simon Fenton iyo xaaskiisa Sally, oo kasoo jeeda magaalada Newbury ee gobilka Berkshire ayaa Sabtidii arkay wiilka 17 jirka ah oo u dhashay dalka Masar, kadib markii ay kasoo noqdeen booqashadii ay ku gaareen magaalada Calais ee dalka Faransiiska.

Mr Fenton ayaa sheegay in uu arrintan ka war helay markii uu sanduuqa gaarigiisa dusha ka saaran ku arkay 2 lugood oo kasoo jeeda.

Ciidamada booliska ee deegaanka dooxada Thames ayaa sheegay in wiilka 17 jirka ah ay u xireen dambi ku saabsan inuu ku xadgudbay sharciga qaxootinnimada.

Isagoo qeexaya arrinta dhacday ayuu Mr Fenton yidhi: “Waxaan guriga joognay muddo 10 daqiiqo ah markii ay xaaskeyga ii qeylo dhaamisay, iyadoo i dhaheysa si dhakhso ah u imoow”.

“Markaan imid waxaan arkay labo lugood oo kasoo jeeday sanduuqa dusha sare ka saarnaa gaariga, qof naga mid ahna horay ma uusan uga sii warqabin”

“Kadib waan eegnay, waxaa sanduuqa kasoo baxday gacan yar, isla markiina waxaan aragnay wiilka oo isku dayaya inuu kasoo baxo”.

Simon Fenton ayaa sheegay inuu naxay markii uu arkay wiil qaxooti ah oo kusoo dhuuntay gaarigiisa

Lamaanahan, damaashaadkooda fasaxa kusoo qaadanayay magaalada Dordogne ee dalka Faransiiska ayaa habeenkii Jimcada ku hakaday hoteel ku yaalla Calais , ka hor inta aysan kusoo noqonin waddankooda hooyo.

Waxay waceen booliska kadib markii ay ay wiilka ku adkaatay inuu adag kasoo dhex baxo sanduuqa. Waxay sheegeen inay boolisku u digeen ayna ku amreen inay ka fogaadaan goobtaas, si khatarta looga ilaaliyo lacalla haddii uu wiilku hub wato.

Mr Fenton wuxuu sheegay in wiilka yar uu u sheegay inuu kasoo jeedo waddanka Masar.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in sanduuqa saaran gaarigooda dushiisa laga saaray alaabtii ugu jirtay oo dhan.

“Wuxuu u muuqday qof faraxsan markii sanduuqa laga soo saaray, booliskana halkaas ayey joogeen. waxay ila tahay inuu ku guuleystay qorshihii uu damacsanaa”, ayuu yiri Mr Fenton.

Saraakiisha booliska Thames ayaa sheegay in baaritaanka dhacdadan ku saabsan ay hadda gacanta ku hayaan mas’uuliyiinta arrimaha soo galootiga.

Xigasho – BBC

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

Latest News

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

Somali salaries safe thanks to IMF deal

Issa Abdull BBC Africa business journalist The International Monetary Fund (IMF)...

Jubbaland leader vows to intensify operations against al-Shabaab

Jubbaland state leader, Ahmed Mohamed Madobe has vowed to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have completed a training course on Intelligence, Surveillance and Reconnaissance (ISR). The...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...