30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

DHAGEYSO: Madaxweyne Waare ”Shabaabkii ugu badnaa ayaa u soo guuray deegaanada Hirshabelle”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul waxaa uu kaga hadlay falalka amni darro ee kusoo kordhay deegaannada Maamulkaas iyo weerarada ay ka fuliyaan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Mudane Waare ayaa xusay, in wax badan ay qarsadeen xaaladaha Amni-darro ee ka jira Hirshabeelle, balse ay haatan gaartay heer aysan qarsan Karin.

Wuxuu hadalkiisa intaasi raaciyay, in maleeshiyaadkii Ururka Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaannada Gobolka Shabellaha Hoose ay u soo guureen deegaannada Hirshabeelle.

”Runtii howlgallo ayaa ka socda Shabellaaha Hoose, aniga dadka halkaasi degan waan rabnaa in cadawga laga dulqaado, balse weli lama dhameyn waayo Al-Shabaabkii ku sugnaa Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa uu u soo guuray deegaannada Hirshabeelle”, ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale, sheegay, in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka reer HirShabeelle inay si wadajir ah wax uga qabtaan dhanka Amniga iyo arrimaha la xiriira kaabayaasha Dhaqaalaha.

Wuxuu ku soo aadayaa hadalka madaxweynaha maamulka Hirshabelle, xilli maalin ka hor weerar ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Halka hoose ka dhageyso Codka Madaxweyne Waare:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...