Garoowe (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa balan qaaday inay la wareegi doonto dhismayaal ku yaal degmada Taleex ee gobolka Sool si ay ugu qabato adeegyada bulshada degmadaasi iyo deegaamada hoos yimaada.
Dhismayaasha dowladda hoose, saldhigga magaalada iyo xarumo kale oo ay dhaqaalohooda ku dhiseen ganacsato u dhalatay deegaanka oo balan-qaad ka haystay maamulka Somaliland ayaa waxa ay Puntland u heshay fursad ay kula wareegto kadib markii maamulka Somaliland ka baxay balan-qaadkii hore.
Duqa degmada Taleex Iimaan Cali Shire ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhiseen ganacsato reer Taleex ah, kadib markii maamulka Hargaysa uu u balan-qaaday inuu lacagta kaga baxda siin doono haseyeeshee uu uga baxay.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in Puntland ay hadda u soo jeensatey degmada Taleex ayna ganacsatadu soo dhoweeyeen in lacagtii kaga baxday ay ka qaataan xukuumadda Puntland ayna noqdaan goobo loogu adeego shacabka.
Geesta kale, shacabka reer Taleex ayaa si weyn u soo dhoweysey dhismaha waddo laami ah oo isku xiraysa Taleex iyo laamiga gobolada Waqooyi uga baxa Garoowe taasi oo uu horay u dhagax dhigay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, haseyeeshee uu dhismeheeda balan-qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh:⇓
- DEG DEG: DF Somalia oo diiday dalabka Kenya ee dib u dhigista dacwada badda (Jawaab lama filaan oo la siiyay Kenya)!
- XOG XASAASI: Agaasime Madaxtooyo oo Al-Shabaab isku dhiibay!, (Maxaa ku kalifay arrintaan) + Magaciisa.
- DAAWO SAWIRO: Waa Ciidan ceenkee ah kuwa sugaya Amniga Shirka Beelaha Galmudug & RW Kheyre oo la kulmay ciidankaasi.
- Maxay tahay Sababta rasmiga ah ee KENYA ay maxkamadda ICJ uga dalbatay in la hakiyo dacwadda badda? (Ogow Xaqiiqda?)!
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com