29.9 C
Mogadishu
Monday, May 23, 2022

DEG DEG: Maxkamadda ICJ oo dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

The Hague (Halqaran.com) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwada kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo qorshuhu ahaa in la qabto 9-ka illaa 13-ka bishan September.

Maxkamadda ayaa hadda kiiskaas dib u dhigtay muddo kaba bilood oo ah ilaa bisha November ee sanadkan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Fiqi.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay sidaas codsatay Kenya, oo ku andacootay inay dooneyso inay qorato qareenno cusub, kadib markii ay cayrisay qareenadii hore.

Maxkamadda ICJ ayaan aqbalin codsigii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo muddo 12 bilood ah, waxaana hadda laga doonayaa inay maxkamadda hor-timaado bisha November.

Inkastoo Soomaaliya ay dooneysay inaan kiiska dib loo dhigan, haddana dib u dhigista muddada labada bilood ah, ayaa loo arkaa guul ay Soomaaliya gaartay, sababtoo ah waxaa la rumeysan yahay in Kenya aysan daacad ka ahayn dib u dhigista iyo cudur daarkeeda.

Kenya ayaa la rumeysan yahay inay dooneysay inay muddada 12-ka bilood ah uga faa’iideysato inay cadaadis kale oo caalami ah ku saarto Soomaaliya, kadib markii ay fashilmeen dadaalladeeda hore.

Si kastaba, waxaa muuqata inay yar tahay waxa ay Kenya ku sameyn karto laba bilood gudahood, taasi oo weli ah rajo siineysa Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

Somali salaries safe thanks to IMF deal

Issa Abdull BBC Africa business journalist The International Monetary Fund (IMF)...

Jubbaland leader vows to intensify operations against al-Shabaab

Jubbaland state leader, Ahmed Mohamed Madobe has vowed to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have completed a training course on Intelligence, Surveillance and Reconnaissance (ISR). The...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...