Marka (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mr. Xasan Cali Kheyre ayaa Sabtidii maanta gaaray magaala xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaana magaalada Marka si heer sare ah ugu soo dhaweeyay RW Kheyre iyo wafdigiisa, madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta gobalka Shabeellada Hoose iyo dadweyne kale.
Magaalada Marko ee xarunta ganacsiga Koonfur Galbeed oo qayb ka ah deegaannada ay dowladda federaalka ka sameysay dib-u-heshiisiinta, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kula hadlay dadweyne isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, waxa uuna uga mahad celiyay sida sharafta badan ee dowladnima jaceylku ku dheehanyahay ee ay u soo dhaweeyeen.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- XOG CUSUB: Guddiga beesha Habar-gidir oo dalab cusub hordhigay DF Somaliya
- Dowladda Mareykanka oo xaqiijisay in duqeyn lagu dilay Wiilkii Osama Bin Laden
- 3 qoddob oo muujinaya in Odawaa looga adkaan karo madaxtinimada Galmudug!
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Maxaa kajira in ciidankii Puntland ka soo baxeen Tukaraq? & Gen.Yaasin oo ka hadlay sababta! (Maxaa Cusub?)
Mr. Khayre oo Marka ku yimid lugtii ugu dambeysay ee socdaalka shaqo ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in dowladda oo kaashaneysa madaxda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka shaqeyneyso horumarka iyo daboolidda baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan, waxa uuna ugu baaqay bulshada in magaalada ay ka dhigaan magaalo ganacsiga ku horumarsan oo soo jiidata indhaha maal gashadayaasha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshad Marko ku nool ku ammaanay dhaqan-gelinta dib-u-heshiisiintii dowladdu ka hir gelisay, midnimada, iyo sida ay sugidda amniga uga wada qeyb qaateen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada wadajirka, isku-kalsoonaanta iyo si-jaceylka si ay u wada gaaraan horumar iyo barwaaqo.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com