30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

XOG XASAASI: Wararkii ugu dambeeyay mooshinkii la hor geeyay Baarlamanka Somaliland

Hargeysa (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Mooshinkii dhowaan ay golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyeen qaar kamid xildhibaanada golahaasi inuu maanta fashilmay.

Mooshinkaasi oo xildhibaanada gudbiyey ay ku rabeen in lagu kordhiyo tirada guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta gebi-ahaanba fashilmay, kadib markii subixii Sabtida golaha fasax la galiyey.

Garyaqaanka golaha wakiilada Somaliland ayaa shaaciyey in Mooshinkaasi uu jabay, xili uu guddoomiyaha golaha wakiiladu isaguna ku dhawaaqay in goluhu uu gali doono fasax bil iyo dheeraad ah.

Sabtidii maanta ayaa lagu waday in xildhibaanada golaha wakiiladu ay dood ka yeeshan mooshinkaasi ay gudbiyeen 15-mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Gaane oo isagu kamid ahaa xildhibaanada golaha u gudbiyey mooshinkaasi, ayaa todobaadkii hore wuxuu sheegay in mooshinka ay golahaasi u gudbiyeen lagu sameeyay is hortaag, balse ay ku guuleysteen in laga doodo Ciida dabadeed.

Xildhibaanka ayaa xusay in caqabadaha hor taagan qabsoomida doorashadu ay sabab u yihiin dibu dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...