26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

XOG XASAASI AH: Guddiga Doorashooyinka JUBBALAND oo maanta war cusub kasoo saaray doorashada

Kismaayo (Halqaran.com) – Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, oo isniintii maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa faah-faahin ka bixiyey halka ay marayso soo xulista Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo qaabka ay u socoto soo xulista Odayaasha dhaqanka Jubbaland.

Guddiga, oo inta uusan shirka jaraa’id qaban kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona Xildhibaanada Jubbaland, ayaa ugu baaqay Odayaasha in ay soo xareeyaan foomamka iyo xogta xubnaha lasoo xulay.

Guddiga ayaa Odayaasha ku booriyey in liiska ay soo gudbiyaan ay kusoo daraan xubno haween ah si loo ilaaliyo qoondada Dumarka.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka oo hadlay ayaa sheegay in ay soo gudbiyeen liiska saddexda xubnood ee uu kasoo dhex baxayo qofka Xildhibaanka noqonaya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee guddiga doorashooyinka Axmad Cumar Maxamed, oo faah faahin ka bixiyey qaabka ay u socoto soo gudbinta liiska Xildhibaanada cusub, ayaa warbaahinta u sheegay in Maalinta berri ee Talaadada ah ay ku egtahay xilliga guddigu qabtay ee loo qorsheeyey in lagu soo gudbiyo liiska xubnaha Baarlamaanka.

Musharixiinta u taagan qabashadda Madaxweynaha Jubaland ayaa ilaa hada is diiwaan galin waxa ayna sheegeen in Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay hoos shaqeeyaan Axmed Madoobe oo doonaya dib u doorasho.

Si kastaba, doorashadda Jubbaland ayaa ah mid Dowladda Soomaaliya iyo beesho Caalamku isha ku hayaan sida wax u socdaan, waxaana Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay sheegayaan in sidii loogu talagay u socoto doorashada Maamulkaasi. 

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...