26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

XOG CUSUB: Khilaafka ka taagan Doorashadda Jubbaland oo aad u xoogeystay & Wararkii ugu dambeeyay ee Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa aad u sii xoogeystay Khilaafka ka taagan doorashadda maamulka Jubbaland ka dib markii xubnaha beesha Caalamka iyo Guddiga doorashooyinka Jubbaland ay is dhaafsadeen dhowr Warqadood oo ku saabsan Hanaanka doorashadda Jubbaland.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa hadda kusoo biiray Khilaafka ka taagan doorashadda maamulka Jubbaland ka dib markii ay sheegeen in aysan taageeri doonin natiijadda doorashadda maamulka Jubbaland.

James Swan Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya qoraal uu u diray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland.

“Guddiga doorashada haddii uusan wax ka qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland” ayuu sii raaciyay James Swan.

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray warqad ay ugu jawaabayaan qoraakii alay kasoo baxay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa mkarka lagu faah faahiyay geedi socodkii doorashada guddiga iyo howlaha doorashooyinka, iyaga oo beeniyay inaysan dhex dhexaad aheyn,kadib markii horay loogu eedeeyay inay u xaglinayaan musharax Gooni ah.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya ay sharci daro ku tilmaantay habkii loo soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Maamullka Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa ku adkeystay in hanaanka ay wax ku socdaan ay sax yihiin, islamarkaana 22 Bishaan ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Isku soo wada-duub, guddiga ayaa taageero ka helaya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...