26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

WAR FIICAN: Nin gacan ku dhiigle ah oo horey nin ganacsade caan ah ugu dilay Qardho oo laga soo qabtay dalka Yemen + Magaciisa

Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar / Sawir Google

Qardho (Halqaran.com) – Waxaa dalka Yemen laga soo qabtay nin ganacsade caan ahaay ku dilay Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, kadib markii ninkaasi uu u baxsaday dalkaasi Yemen.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Cabdulaahi Xaashi Shuuriye ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu dakedda Magaalada Boosaaso ka dajiyay ninka dilka ganacsadaha ku eedeysan iyo 30 ruux oo Qaxooti ku ahaay dalka Yemen oo Safaarada ay u fududeysay dib ugu laabashada Soomaaliya.

Ninka Yemen laga soo qabtay ayaa lagu magacabaa Maxamed Cabdullaahi oo ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Cabdi Gufure oo 20-July-2019 lagu dilay magaalada Qardho ee gobolka karkaar.

Qoyska dhalay eedaysanaha oo kaashanayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Yemen, ayaa ku guulaystay in ay ninkaasi ka soo qabtaan gudaha dalka Yemen kadib mudda bil ah oo la raadinayey, waxaana ay xalay ku soo wareejiyeen dowladda Puntland.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ninkaasi waxa uu ku wareejiyay Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobolkaasi Bari.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa safiirka uga mahadceliyay, sida uu gacanta uga gaystay soo qabashada ninka ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Cabdi Gufure iyo sidoo kale caawinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabtay dalkaasi Yemen.

Xafiiska Halqaran.com, Boosaaso
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...