27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

DHAGEYSO: Gudiga Doorashooyinka ee mucaaradka Jubaland oo warkii ugu cuslaa ka soo saaray habraac doorasho

Kismaayo (Halqaran.com) –  Guddigii doorashooyinka Jubbaland ee ay ku dhawaaqeen musharaxiintii kasoo horjeystay guddiga doorashooyinka Jubbaland ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa soo saaray nadaamka ay doonayaan inay u dhacdo doorashada maamulka Jubbaland.

Guddigaan oo ah kii labaad ee loo xilsaaro ka shaqeynta habka ay u dhaceyso doorashada Jubbaland, si wada jirana ay ugu dhawaaqeen  inta badan musharaxiinta u taagan hoggaanka ugu sareeya ee Jubbaland, ayaa maanta soo saaray hanaanka loo marayo doorashada maamulka.

Afhayeen u hadlayey guddigaas ayaa sheegay inay doonayo in loo wada sinaado ka qeyb qaadashada doorashada si loo dhowro kal soonida dad weynaha.

Iyadoo la tixgalinayo duruufaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Jubbaland ayuu sheegay guddiga cusub inaysan doorasho qof iyo cod ah ka dhici Karin deegaanada maamulka jubbaland.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada dhici doonta ay gar wadeen ka noqonayaan Odayaasha dhaqanka, iydoo loo madax banaynayo inay soo xushaan xildhibaanka ay u arkaan inuu ku matali karo Baarlamaanka cusub ee laga soo dooranayo deegaanada maamulka Jubbaland.

Hoos ka dhageyso Afhayeenka u hadlay guddigaan:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...