26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

”Madaxweyne Farmaajo Qiyaano qaran bay ku tahay in uu Itoobiya u adeegsado doorashada Jubbaland” waxa yiri…

Kismaayo (Halqaran.com) – Mid ka mid ah mudanayaasha BF Soomaaliya oo lagu magacaabo, Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa war kasoo saaray xiisadda ka jirta magaalada Kismaayo ee ka dhalatay, isku dayga ay ciidamada Itoobiya ku doonayaan inay ku degaan

Mudane Fiqi ayaa qoral uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay, in ciidamada Itoobiya ee doorashada loo Jubaland loo adeegsanayo uu ka dambeeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo uu ku qeexay qiyaanno qaran.

Haddaba, hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaan Fiqi oo dhammeystiran:

Ciidamada Itoobiya ee arrimo hoosaadka Doorashooyinka Kismaayo loo adeegsanayo oo hadba weji cusub la soo baxaya waa khiyaano Qaran oo xafiiska madaxweyne Farmaajo uu ku dhacayo.

Kanaaladii kol hore la sheegay in la soo xiray sow uma eka kuwo qaranimadii iyo madaxbanaanidii Soomaaliya baabi’inteeda lagu soo bedeshay.

Isku day kale oo Qiyaano Qaran ah ayaa shaley galab lagu fashiliyey Kismaayo, ka dib markii ciidamo Kumaandoosta Itoobiya ka tirsan oo la soo kiraystey ay si tahriibis ah isugu dayeen In lagu soo gelsho Kismaayo kaasoo ugu danbayn guuldarreystey.

Doorashooyinka dawlad goboleedyadu waxey midba midda ka danbaysa daaha ka sii rogaysaa sida dalka Soomaaliya iyo taladiisii loo hoos geeyey Dawladda Itoobiya, laakin kaasi waa mashruuc la soo tijaabiyay oo guulaysan waayey ee yaan kabuhu idinka dhammaan.

# Ushuba waa Qalab difaac#

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...