27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

DF Soomaaliya oo ugu dambeyn lagu wareejiyay Ammaanka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa amaanka Magaaladda Dhuusamareeb inta uu socda Shirka dib u heshiisiinta ee Maamulka Galmudug.

Khilaaf ayaa ka taagnaa maamihii dambe cida sugaysa amniga magaaladda Dhuusamareeb inta uu shirka socdo, waxaana Dowladda ay ku guuldareysatay In ciidamo ay geyso Magaaladaas.

Munaasabad si toos ah dowladda loogu wareejiyay amniga Dhuusamareeb ayaa ka dhacday maanta magaaladaas, waxaana ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Amniga, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xildhibaanadda kasoo jeeda Magaaladda Dhuusamareeeb.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha Dhuusamareeb bannaanka loo saarayo, halka amniga gudaha la wareegayaan Ciidamo gaar ah oo dowladda Federaalka diyaarisay.

”Ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha magaalada Dhuusamareeb, waxaa loo saari doonaa bannaanka magaalada, waxaana amniga gudaha magaalada la wareegaya Ciidamo gaar ah oo dowladda Federaalka diyaarisay”, ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muuqata in ay ku guuleysatay qorshihii amniga ee Galmudug, xili Ra’iisul waasaare Xasan Cali kheyre uu wali ku sugan yahay Magaaladda Dhuusamareeb.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...