27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

DF Somaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Baarlamaannada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

S/Afrika (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb gali doona shirweyne ballaaran oo Tallaadada maanta dalka Koonfur Afrika uga furmaya afhayeennada baarlamaannada dalalka Afrika.

Shirkan ayaa looga doodi doonaa xaaladda ay ku suganyihiin qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika iyo gacan siinta kuwa dib ugu noqonaya dalalkooda.

Ajandayaasha horyaalla shirka waxaa ka mid ah, horumarinta dadaallada dib u heshiisiinta dalalka ay cooladuhu ka jiraan ee Afrika oo gogol xaar wanaagsan u noqonaysa in la yareeyo tirada qaxootiga Afrikaanka ah iyo horumarinta xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee ay wadaagaan dalalka qaaradda Afrika.

Masuuliyiinta baarlamaannada Afrika ayaa la filayaa in ay si qoto dheer u lafa guraan xaaladda ay ku suganyihiin in kabadan 14 milyan oo qaxooti Afrikaan ah.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dadka qaxootinnimada miciin biday, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee dalka iyadoo ay jiraan qaxooti Soomaaliyeed oo wali ku sugan xereyaha qaxootiga dalalka dariska la ah Soomaaiya sida dalka Kenya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya, Kenya, iyo hay’adda UNHCR ayaa weli wada dadaallo sadex geesood ah oo ay isaga kaashanayaan sidii qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha qaxootiga Kenya looga gacan siin lahaa in si iskood ah ay ugu soo noqdaan Soomaaliya, dalkooda dib u dejin loogu sameeyo.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...