30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

DF Somaliya oo jawaab ka bixisay cabashada laga soo gudbiyay Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka jawaabtay cabasho ka soo yeertay Guddiga Ganacsatada Diyaaradaha Somaliya, cabashadaasi oo ay ka keeneen Shirkadda Itoobiya Airlines oo Gobolo ka mid ah Soomaaliya Safar ku tagta.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay inuu jiro heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan dhanka Duulimaadyada ah, kaasi oo horay loo kala saxiiday 1988.

Wuxuu sheegay heshiiskaasi inuu dhigaayo in Diyaarada Itoobiya Airlines ay si toos ah uga soo bixi karto Addis Ababa ayna u safri karto Magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya, balse heshiiska uusan dhigeyn in Muqdisho ay ka baxdo oo Boosaaso ay u safarto.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay kaliya in heshiiskaasi uu sidaasi dhigaayo, balse aysan jirin duulimaad Shirkadda Itoobiya Airline ay ka dhex sameyso Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya.

”Maya Diyaarada Itoobiya Airlines waxa ay fasax u qabtaa labada dal dhexdooda inay ka shaqeyso, Marka ma jirto Diyaarada Itoobiya Airline oo wadanka gudihiisa rakaab ka qaada oo Muqdisho inta ka qaado Boosaaso ay ku tageyso, laakiin waxa ay sameysaa duulimaad ay uga soo baxeyso Itoobiya gudihiisa oo ay ku tageyso Hargeysa iyo Garowe.” Ayuu yiri Wasiir Oomaar oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Shirkadda Itoobiya Airlines ayaa duulimaad uga dagata Magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyadoo sanadkaan qaaday qaar ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed, taasi oo Shirkadaha cabashada ugu wayn ay ka keeneen.

Labadan Magaalo ee ay ka dagato Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa waxaa loo ogol yahay kaliya marka ay ka duusho Addis ababa sida heshiiskaasi uu dhigaayo.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...