30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

DEG DEG + XASAASI: Somaliland oo amar ku bixisay in lagu toogto meeshii lagu arko Korneel Caare! (Ogow Sababta)!

Hargeysa (Halqaran.com) – Taliyaha guud ee Ciidamada Milateriga Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa weerar afka ah waxa uu ku qaaday Korneyl Caare oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Somaliland, balse ka goostay, islamarkaana dhowr mar la dagaallamay Ciidamada Somaliland.

Shir Jaraa’id uu Axaddii Maanta Warbaahinta ugu qabtay Magalada Hargeysa ayaa sheegay in korneyl Caare uu ahaa Korneyl ka tirsanaa Ciidamada, balse uu yahay Nin loo heysto dilal badan uu u geystay dad ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

Taliye Nuux Taani, ayaa sheegaya in sidoo kale uu yahay Nin lunsaday Mushaar ay lahaayeen Ciidamada Somaliland, isla markaana uu mudan yahay in Maxkamad la saaro loona qisaaso dadkii uu dilay oo ka badan 10 ruux sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaan leeyahay Korneyl Caare waa dambiile dadkii uu laayay ayaa weli kiiskooda Maxkamada horyaalla, waxaana jira dad u doodaya, waxaana leeyahay Ninkasi waa dambiile, waxaana uu mudan in la toogto”, ayuu yiri Taliyaha guud ee Ciidamada Milateriga Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani.

Ugu dambeyn, Kornayl Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo horay uga mid ahaa Ciidamada Somaliland, balse ka goostay ayaa dhowr mar waxa uu dagaal kula galay deegaanno ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag Ciidamada Somaliland, isagoo ku hanjabay in uu weerari doono Magaalada Hargeysa.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...