27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

DEG DEG + UPDATE: Shirka Golaha Ammaanka oo lagu soo hadalqaaday Doorashada Jubbaland +(Maxaa cusub oo aadan ogeyn)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinkii dambe ee maanta shir ka yeeshay xaaladda Somaliya, iyadoo shirkan lagu soo hadalqaaday doorashada maalinta berrito lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Kismaayo.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan oo shirkan khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inay weli ka walaacsan yihiin Doorashada Madaxweyne ee Khamiista ka dhaceysa Magaalada Kismaayo.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sheegay inkastoo uu waqtiga gaaban yahay, hadana loo baahan yahay in Jubbaland ay ka qabsoomto hannaan keliya oo doorasho ah, oo dadka oo dhami ay ka wada qayb qaataan.

James Swan ayaa waxaa uu ka digay in qalalaase uu ka dhaco Jubbaland, marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada, waxaana uu ku baaqay in dhinacyada isu haya Doorashada Jubbaland looga baahan yahay inay ka fogaadan gacan ka hadal.

James Swan, Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya ayaa sidoo kale ku baaqay inay isu tanaasul muujiyan siyaasiyiinta isu diidan hannaanka geedi-socodka Doorashada Jubbaland.

Xiriiriyaha Arrimaha Siyaasadda ee Britain, Stephen Hickey ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in Doorashada Jubbaland ay ku qabsoomto si amni iyo daah furnaanba leh.

”Ugu horayn Doorashada Jubbaland ee dhacaysa berri wa amuhiim inay ku dhacdo amni, nabadgelyo iyo daah furnaan. Waxaa taasi xigta doorashada 2020-ka, waxaana loo baahan yahay bartilmaameedyo ay tahay inay dowladdu hanato ka hor doorashada. Waxaa kale oo aan diiradda saaraynaa amniga xilliga kala-guurka ah, si Ciidamada Soomaalida ay masuuliyadda amniga ugala wareegaan Ciidamada Amisom ee haatan ku sugan wadanka.”  Ayuu yiri Stephen Hickey oo Warbaahinta la hadlay, markii la soo geba-gabeeyay shirka Golaha Ammaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa Khamiista berrito lagu wadaa in ay doortaan Madaxweyne, iyadoo ay doorashadan ku tartamayan illaa afar musharax, oo Axmed Madoobe uu ka mid yahay.

Midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa waxay dhankoodu sheegeen inay Khamiista dooran doonaan Madaxweyne, waxaana laga cabsi qabaa in arrintaasi ay gacan ka hadal sababto.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...