27.9 C
Mogadishu
Thursday, May 26, 2022

DAAWO SAWIRRO: Farxad Aroos oo ka socotay Muqdisho oo mar qura isku bedeshay meel murugo!

Muqdisho (Halqaran.com) – Xilli lagu guda jiray jawi farxadeed oo aroos ah, islamarkaana Caruuska iyo Caruusadda ay ku sugan yihiin guri ku yaallo Xaafadda Boondheere ee Magaalada Muqdisho, ayaa jawigii arooska wuxuu isku bedelay xaalad murugo ah.

Dhismaha guriga dumay, ayaa wuxuu ahaay guri qadiimi ah oo ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliya, balse dad shacab danyar ah ay deegaansadeen.

Suus raagge Cadow oo eedo u ah wiilka arooska ayaa sheegtay iyadoo xaaladda ay tahay jawi farxadeed mar kaliya uu soo dumay guriga, waxaana ay sheegtay sababta guriga uu u soo dumay inay tahay, kadib markii reerka gabadha durbaano ay ku dul ciyaareen dhismaha dabaqa, taasi oo sabab u noqotay inuu soo dumo guriga.

”Wiil aan eedo u ahay ayaa gabar gurigaan keensaday, kadib aroos ayaa halkaan loogu dhigay cidda gabadha oo durbaano watay ayaa guriga ku ciyaaraayay, bood boodkii durbaanada ayaa sabab u noqday inuu dumo guriga ana reerkeena wax yar yar ayaa soo gaaray, balse cidda gabadha ayeey u badnaayeen dadka dhaawacyada soo gaareen illaa 22 ruux dad gaaraya oo arooska & aroosadda ay ku jiraan ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen.” Ayey tiri Suus Raagge.

Dadkii dhaawacyada ay soo gaareen ayaa dhismaha dumay, waxaa looga soo saaray jaraanjaro, kadib markii dadka Xaafadda gurmadkaasi ay sameeyeen.

Guryaha qaar ee ku yaallo magaalada Muqdisho oo dhismahooda ay qadiimi yihiin, ayaa xilliyada qaar dadka waxa ay kala kulmaan dhibaato adag oo ka soo gaarta, kadib markii ay ku soo dumaan guryaha ay ku nool yihiin.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce...

Somali students and graduates turn to online education

Puntland law graduate Fartun Abdirahman Adan, 28, managed to...

One person likely dying from hunger every 48 seconds in drought-ravaged East Africa

One person is likely dying of hunger every 48...

UN calls for National reconciliation in Somalia

United Nations (UN) has called for national reconciliation to...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga...

Taiwan, Somaliland ink energy cooperation deal

Somaliland authorities in northern Somalia have inked energy and mineral resources cooperation agreement with Taiwan this week. In a statement, Taiwan diplomatic office said the...

The United States Donates an Additional 286,650 Doses of Pfizer COVID-19 Vaccine with Somalia

The U.S. Embassy in Mogadishu is pleased to announce the delivery of an additional 286,650 doses of the Pfizer COVID-19 vaccine, which the United...