26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

Weerar ismiidaamin ah oo Khasaare weyn geystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Weerar ismiidaamin ahaa ayaa Arbacadii maanta waxa uu ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar, iyadoo qaraxaasi laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Nin naftii hallige ahaa ayaa la soo sheegaya in uu isku qarxiyay Xarunta Dowladda Hoose Xamar, wax yar uun ka dib, markii uu goobta ka tagey Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan.

Wakiilka oo duhurnimadii maanta Dowladda Hoose gaaray ayaa kula kulmay masuuliyiin uu ugu sareeyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Wararka ayaa sheegaya in iminka rasaas laga maqlayo Xarunta Dowladda Hoose. Ma cadda in dabley hubeysan ay gudaha u gashay Xaruntaasi iyo in kale.

Qaraxan ayaa waxaa lagu soo beegay, xilli halkaasi uu kulan uga socday Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhaawac fudud soo gaaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena ay jiraan warar sheegaya in Gudoomiye-yaasha Degmooyinka ay qaarkood dhaawacyo qabaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay Gudoomiyaha Degmada Waaberi.

Qaraxan waxa uu ku so aadayaa maalin ka dib, markii ismiidaamin kale ay ka dhacday wadada xiriirisa Garoonka Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 17 ruux, oo rayid u badnaa.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...