30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

Wax ka Ogow natiijada Kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Hay’adaha Amniga ee Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Farmaajo ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Al-Shabaab.

”Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.

Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.

Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii dhaawacmay.


Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...