29.9 C
Mogadishu
Monday, May 23, 2022

UPDATE – Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha qaraxii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose Xamar

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa ciidan fara-badan geysay Xarunta Dowladda Hoose Xamar, oo galabta uu ka dhacay qarax waxyeelo soo gaarsiiyay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidamada la geeyay Xarunta Dowladda Hoose ayaa waxay isugu jiraan Boolis, Nabadsuggida iyo Militari, kuwaa oo si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta dhismahan, oo ku yaala Degmada Xamar Weyne.

Ciidamadan oo xiray qaybo ka mid ah wadooyinka dhinacyada ka mara Xarunta Dowladda Hoose ayaa waxay dadka iyo gaadiidkaba dib uga celinayan inay ku soo dhawaadan goobtaasi.

Gudoomiye Ku-xigeenka Ammaanka iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed C/laahi Tuulax oo ka hadlay qaraxa ka dhacay goobtaasi ayaan kala cadayn waxa dhabta ahi ee qaraxaasi dhaliyay.

“Weli lama xaqiijin karo in qaraxa meesha lagu diyaariyay iyo is qarxin inuu yahay. Dib ayaana rabaa inaan ka soo sheegno.” Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Gobolka Banaadir.

Waxaa uu kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda Somaliya uu ku eedeeyay inay markasta doonayan inay is qarxiyan, hase yeeshee aanay ka leexin doonin shaqada ay Qaranka u hayaan.

“Dadkan cadowga ahna markasta oo ay wax isku dayayaan waxay rabaan inay is qarxiyaan, “Nimankaana anaga nagama leexin doonaan hawlaha aan Qaranka u heyno.” Ayuu yiri Maxamed C/laahi Tuulax.

Tuulax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyay in dhaawac uu soo gaaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, halka ay dhinteen qaar ka mid ah Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waa dhaawac, dhaawaciisa ayaana hadda lala tacaalaya. Dhawr Gudoomiye Degmo ayaa qaraxa ku dhintay, ayagana dib baan ka soo xaqiijin doonnaa.” Ayuu yiri Tuulax.

Tuulax oo la hadlayay shacabka ayaa yiri “Waxaan rabaa shacabka inaan u sheego waxaan inay tahay wax qaddar ah oo Ilaahay qoray. Qofkii Ilaahay u qorayna uu dhimanayo, shacabka waa inay is dejiyan.”

Isku soo wada-duub, hadalka ka soo yeeray Tuulax marka laga soo tago, ayaa waxaa la’ogyahay in qaraxaasi ay ku geerriyoodeen Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banadir, C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha, C/laahi Dheere, Gudoomiyihii Degmada Waaberi, Mahad Cilmi iyo Gudoomiyihii Degmada C/casiis, Sabaax C/laahi Maxamed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com  

Latest News

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

Somali salaries safe thanks to IMF deal

Issa Abdull BBC Africa business journalist The International Monetary Fund (IMF)...

Jubbaland leader vows to intensify operations against al-Shabaab

Jubbaland state leader, Ahmed Mohamed Madobe has vowed to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have completed a training course on Intelligence, Surveillance and Reconnaissance (ISR). The...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...

SNA arrests al-Shabaab IED expert in Lower Shabelle

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from Development Bank (AFDB held talks on Saturday. In a statement, the president and the officials from...