30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Sacuudiga oo cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ee Muqdisho

Jiddah (Halqaran.com) – War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul loogu cambaareyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaannu si kulul u cambaareynaynaa weerarkii argagixso ee ka dhacay Muqdisho, waxaana xoojinaynaa garab istaagga Soomaaliya ee aan ku garab taagannahay la dagaallanka argagixsada iyo xagjirnimada.

Weerarkan oo uu fuliyay qof ismiidaamiyay ayaa lagu beegsaday goob uu ka socday kulan ay lahaayeen saraakiisha maamulka gobolka Banaadir.

Ismiidaamintan ayaa sababtay geerida illaa lix xubnood oo isugu jiraa guddoomiyeyaal degmo, agaasimayaal iyo la taliyaal ka tisan gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka mid ahaa saraakiishii uu dhaawacu kasoo gaaray weerarkaas.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa iyana cambaareeyay weerarkan

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo gurmad caafimaad ah oo dal iyo dibadba leh oo lagu baxnaaninayo saraakiisha uu dhaawacu gaaray

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka xarunta gobolka Banaadir.

Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii baabuur laga soo buuxiyay walxo qarxa uu isku miidaamiyay bar koontorool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 17 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...