30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Muxuu ku soo arkay Kheyre xerada ay ku jiraan ciidamadii dhawaan lagu qarameeyay Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa soo kormeeray xero ay ku jiraan ciidamada Ahlu sunna ee dhawaan la qarameeyay ee ku sugan magaalada Dhuusamarreeb.

Mr. Kheyre oo ciidamada la hadlay ayaa u sheegay in xukuumaddiisa aysan marna ka daali doonin dardar gelinta dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee dalka si bulshada Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaato una soo ceshato sharafkeedii.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ballanqaaday in dib u dhis lagu samayn doono xerada ciidamada xoogga dalka ee 21-aad ee ku taalla maamul goboleedka Galmudug, waxa uuna intaa ku daray in saraakiisha qaarkood la siin doono tababar si ay u hoggaamiyaan howlgallada ciidamada ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kheyre ayaa ugu baaqay ciidamada dhawaan ku soo biiray kuwa xoogga dalka in ay ka shaqeeyaan nabad ku wada noolaashaha dadka wada deggan deegaannada Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo in ka badan hal bil ku sugnaa Galmudug ayaa ku howlanaa dadaallada dib u heshiisiinta ah ee loo samaynayo dadka ku dhaqan maamulkaas, taasoo ah tallaabo ay ammaaneen beesha caalamku.

Isku soo wada duub, waxaa la filayaa in bilaha soo socda ay Galmudug ka qabsoomaan doorasho lagu soo dooranayo hoggaan cusub.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...