26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Maxaa kasoo kordhay Falkii Argagaxa lahaa ee ka dhacay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka?

Dadka oo ubaxyo dhigaya goobta Wiilka uu ku dhintay ee Bahnhofka, Photo Credit: nfp.d
Frankfurt (Halqaran.com) – Waxaa loo qabtay Falkaas 40 jir la rumeysanyahay inuu ka danbeeyey Weerarka Warbixin hordhac ah oo ay Ciidamada Amaanku soo saareen waxey ku sheegeen in Eedeysanuhu u dhashay Dalka Eriterea ee dhaca Geeska Afrika sidoo kale waxey Warbaahinta la wadaageen in Shaqsigani uu mudooyinkii danbe ku Noolaa Dalka Switzerland.

Waxey diideen iney kahor dhacaan Baaritaanada socda lamana oga sababta dhabta ah ee ka danbeysey in Ninkani uu ku tuuro Wiilka yar iyo Hooyadii wadada Tareenka.

Sidoo kale waxaa jiray shaqsi Sedexaad oo uu weeraray Ninkani iskuna dayey inuu isna ku tuuro Wadada Tareenka laakiin isagu ka badbaaday.

Ciidamada ayaa Qabtay Ninkani sidey sheegeen iyagoo Caawinaad ka helaya Dadka Safarka ahaa kadib markii uu weerarka geystay waxaana halkaa ku dhintay Wiil yar oo 8 jir halka hooyadiina ay ka badbaaday.

sidoo kale Booliisku wuxuu raadinayaa Marqaatiyaal kaamirooyinka Qarsoon ayey Ciidamadu dib u baarayaan siduu sheegay Sargaal u hadlay Ciidanka Amaanka.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Dalkani Jarmalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay falkaasi Argagaxa leh.

Horst Seehofer wasiirka arimaha Gudaha Jarmalka ayaa ku tilmaamay arintaa Danbi aad u xun.

Wasiirka ayaa gabi ahaanba hakiyey fasixiisi Sanadlaha ahaa ee ku maqnaa Falkaan dhacay aawadii af hayeen u hadlay Wasiirka ayaa shaaciyey in Wasiirku doonayo inuu si degdeg ah ula kulmo Saraakiisha Amaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha Gobollka Hessen Volker Bouffier ayaa isna muujiyey Dareenkiisa ku aadan Weerarkii Maanta ka dhacay Gobollkiisa.
“Aad ayey ii Argagax gelisey iigana yaabisay buu yiri weerarkii lagu qaaday Wiilka iyo Hooyadii Maanta”

Alice Weidel Gabadha lagu magacaabo ee hogaamisa Xisbiga AFD ayaa barteeda Twitter_ka ku dhaleeceysay falkii dhacay iyadoo masuuliyada dusha kaga tuurtay Hogaamiyaasha u ol’olleeya arimaha Qaxootiga.

Waxey tiri” Booliska Frankfurt ayaa shaaciyey in 40 jir Afrikaan ah uu wiil 8 jir ah iyo Hooyadii ku tuuray wadada Tareenka Falkaan ayaa ah mid aan loo Dulqaadan karin.

Maxaan sugeynaa marka oo noo haray? Dhowra muwaadiniintiina intaan soo si xad dhaaf ah dhaqano kala duwan usoo dhaweynlahaydeen”
Abaare 19:15  fiidnimo waxaa caadi kusoo laabtay isu socodkii Qadka Tareenada Magaalada Frankfurt oo mudo xayirnaa waxaana la arkayey Dad badan oo ubaxya dhogaaya Goobtu falku ka dhacay.

Todobaad kahor ayey ahayd markii sidaan oo kale magaalada Veorde ee Gobollka Nordrhein_Westfalen uu Nin ku tuuray wadada Tareenka haweeney 34 jir ahayd itadoo durba halkaa ku Geeriyootay.

Taasina waxey ka dhigantahay iney aad usoo badanayaan weerarada ceynkan oo kale ah waxaana la gudboon bulshada Soomaaliyeed iney aad isku jiraan xiliyada ay ku safrayaan Tareenada.
W/Q/ Nuur Shariif Shaacir
Xafiiska Halqaran.com, Bremen
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...