30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 24, 2022

Madaxweynaha K/Galbeed oo la kulmay Saraakiisha Amniga ee…

Baydhabo (HalQaran.com) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) kulan la qaatay saraakiisha sarsare ee lamaha ammaanka gobolka Bakool, kaasi oo looga hadlayey xoojinta ammaanka degmooyinka gobolkas.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka ammniga maamulkaas, taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 60 aad, taliya ciidanka darawishta koonfur Galbeed iyo  saraakiil ka socotay ciidanka AMISOM.

Inta uu socday shirka waxaa la isku dhaafsaday fikrado kala duwan oo lagu xoojinayo la dagaalanka  Al-Shabaab, kaasi oo  la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan  Al-Shabaab looga saaro goobaha ay kaga suganyihiin guud ahaan Koonfur Galbeed.

Shirka inta uu socday waxaa warbixino ku aaddan ciidanka xoogga dalka qeybta 60 aad  laga dhegeystay taliyaha guutada, wuxuuna taliyuhu hoosta ka xarriiqay in uu ciidanka ay haatan abaabulayaan howlagallo lagula dagaallamayo  Al-Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gobollada uu ka arrimiyo ka wada qorshayaal uu doonayo in uu dib ugu furo waddooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas oo qaarkood ay jidgooyooyin u yaallaan Al-Shabaab.

Xafiiska HalQaran.com, Baydhabo
halqarannews@gmail.com

Latest News

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially...

Saudi Arabia bans citizens from travelling to Somalia

Saudi Arabia has banned its citizens from travelling to...

ATMIS, SNA soldiers conclude training on military intelligence

Thirty-two drown from Somali national army and Africa Union...

Somalia’s elect-president Hassan Sheikh pledges to work on economic reforms

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud and officials from...

UK foreign aid cut came at ‘worst moment in history’: Opposition MP

LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and...

Court in Somaliland sentences journalist Oldon to two years in jail

A court in Somalia’s breakaway northern territory of Somaliland has sentenced a journalist to two years in prison months after he was acquitted by...

President Hassan Sheikh officially assumes office +(PHOTOS)

Somalia’s newly President Hassan Sheikh Mohamud has today officially assumed office following transfer of power ceremony at the Presidential Palace. Speaking at the handing over ceremony,...