30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 17, 2022

Farmaajo oo lagu casuumay Shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ka helay martiqaad rasmi ah oo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka Ruushk iyo dalalka Afrika oo 24-ka bisha Oktoobar ka dhici doona magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Casuumaadda madaxweynaha waxaa soo gaarsiiyay danjiraha cusub ee Moosko dhawaan usoo magacawday Muqdisho Mikhail Golovanov.

Shir madaxeedka u dhexeeya dalka Ruushka iyo dalalka Afrika ayuu hoggaamin doonaa madaxweynaha Ruushka waxaana sidoo kale ka qeyb galaya hoggaamiyeyaasha Afrika oo ugu horreeyo madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisis oo haatan ah guddoomiya meertada ah ee Midowga Afrika.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka ayaa lagu sheegay in shirkani yahay midkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee si gaar ah u taabanaya xiriirka u dhexeeya Ruushka iyo Afrika sidoo kalena ay qeyb ka ahaanayaan madaxda hay’adaha heer gobol ee ka jira qaaradda Afrika.

Shirka waxaa lagu falanqeyn doonaa hanka dowladda Ruushka ay u heyso xariir qoto dheer oo ay la yeelato Afrika iyo billowga bog cusub oo lagu adkeynayo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo mid dhaqan ee labada dhinac.

Shirkan ayaa la qorsheeyay in laga soo saaro baaq siyaasadeed oo mideysan oo ku wajahan iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Xafiiska HalQaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com 

Latest News

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud...

Lebanon, Somalia conduct elections amid political instability

By Daniel Uria / UPI Lebanon and Somalia, both facing...

Three candidates quit Somali president race ahead of Sunday vote

Three candidates who were vying for the presidential race...

Somalia suspend flights ahead of presidential poll

Authorities of Aden Adde International Airport have announced that...

Explainer: Somalia presidential election where the people don’t vote

By AGGREY MUTAMBO Somalia is holding its presidential elections this...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye-yaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, General...

Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president

Somali legislators have elected former leader Hassan Sheikh Mohamud as the country’s next president, following a long-overdue election on Sunday in the troubled Horn...

Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya...