26.7 C
Mogadishu
Friday, May 20, 2022

British Airways oo hakisay duullimaadyadii Qaahira

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirkadda duullimaadyada Ingiriiska ee British Airways ayaa hakisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Qaahira ee dalka Masar tallaabadaas oo ay ku macneysay mid ay feejignaan ay ku muujinayso.

Shirkadda ayaa dhammaan macaamiisheeda doonayay in ay raacaan London kuna wajahna Qaahira si lama filaan ah ugu wargelisay in ay joojisay safarkeedii ay ku tagi lahayd Qaahira muddo todobaad ah.

Shirkaddu si rasmi ah uma aysan qeexin sababta dhabta ah ee ammaan ee ku khasabtay in ay qaadato go’aanka ay ku hakinayso duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Qaahira.

Afhayeen u hadlay British Airways ayaa sheegay in ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ammaan ee garoomada ay duullimaadyada ku tagaan sidaa awgeedna muddo todobaad ah ay tallaabooyin qiimeyn ah samayn doonaan.

Afhayeenka waxa uu hoosta ka xarriiqay in mudnaan kowaad ay siinayaan bad-qabka macaamiisha shirkadda iyo shaqaalaheeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa iyana jimcihii muwaadiniinteeda u safraya Masar u dirtay digniino ay ku sheegeyso in ay jirto halis isa soo tareyso oo argagixisadu ku beegsan karaan dayuuradaha, sidoo kale wasaaraddu waxay sheegtay in ay hirgaliyaan tallaabooyin lagu hubinayo ammaanka dayuuradaha ka imanaya Qaahira eek u wajahan London

Sabtidii aannu kasoo gudubnay  ayay ahayd marka shirkadda duullimaadyada Lufthansa ee dalka Jarmalka ay joojisay laba duullimaad oo ay ku tagi lahayd Qaahira.

Madaxa hay’adda duullimaadyada Masar Saami al-Xifni ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay laba wagelin oo is xiga oo kaga timid British Airways iyo Lufthasa kuwaasoo sheegay in ay hakiyeen duullimaadyadii Qaahira isaga oo tilmaamay in ay iskaashi la samaynayaan shirkadaha joojiyay duullimaadyada daba galna ku samayn doonaan walwalka ammaan ee ay qabaan.

Marka laga soo tago labada shirkadood ee hakiyay duullimaadyadii ay ku iman jireen Qaahira waxaa si caadi ah u shaqeynaya dhammaan shirkadaha kale ee sameeya duullimaadyada caalamiga ah ee ka howlgala Qaahira.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

Latest News

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed...

West Africa anti-terror force laments Mali withdrawal

Mali’s decision to withdraw from a West African anti-jihadist...

US, Kenya discuss war on al-Shabaab

President Uhuru Kenyatta this week held talks with U.S....

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh holds talks with World Bank officials

Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud has held...

Kenya arrests six Al-Shabaab suspects in Mandera

At least six people suspected to have links with...

Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9.52malyan oo Dollar.

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ee cusub Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una...

Maamulka G/Gedo oo ka hor yimid ‘hadalkii Jubbaland’ in ciidamada laga saaro gobolkaasi

Gedo (Halqaran.com) - Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso,...

President-elect Hassan Sheikh to focus on security and political stability

Somalia’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has confirmed that his government will focus on security and political stability. In an interview, Mohamud said his...